Hotline +252 611 000434

(Chef) Fast Food Cook

Shaqo Bannaan: Cook / Chef Cuntooyinka Fudud

Jagada

Cook / Chef ku Takhasusay Cuntooyinka Fudud (Burgers, Shawarma iyo Fast Food)

Mushaarka

$280 Bishii

Khibrad

Ugu yaraan 1 sano oo khibrad ah

Sharaxaadda Shaqada

Waxaan raadineynaa qof khibrad u leh diyaarinta cuntooyinka fudud sida Burgers, Shawarma iyo noocyada kale ee Fast Food-ka. Qofka la raadinayo waa inuu leeyahay xirfad cunto-karin, nadaafad wanaagsan, iyo awood uu ku shaqeyn karo jawi degdeg ah.

Waajibaadka Shaqada

  • Diyaarinta Burgers, Shawarma iyo cuntooyinka fudud ee kale.
  • Hubinta tayada iyo dhadhanka cuntada.
  • Ilaalinta nadaafadda jikada iyo qalabka shaqada.
  • Diyaarinta dalabaadka macaamiisha si degdeg ah.
  • La shaqeynta kooxda si adeeg hufan loo bixiyo.
  • Raacitaanka habraacyada badbaadada iyo nadaafadda cuntada.

Shuruudaha

  • Ugu yaraan 1 sano oo khibrad ah oo cunto-karin ah.
  • Khibrad u leh samaynta Burgers, Shawarma iyo Fast Food.
  • Aqoon wanaagsan oo nadaafadda cuntada ah.
  • Firfircooni iyo karti uu ku shaqeyn karo waqtiyada mashquulka badan.
  • Daacadnimo, masuuliyad iyo anshax shaqo.

Sida Loo Codsado

Dadka daneynaya shaqadan waxay soo diri karaan CV-gooda iyo lambarka lagala soo xiriiri karo.

Musharrixiinta la soo xulo oo keliya ayaa lala soo xiriiri doonaa.

More Information

Only candidates can apply for this job.
Email Me Jobs Like These
Share this job

Golden Cafe

Restaurant & Cafe
(0)

Contact Us

Bakaaro Market
Howl-Wadaag District,
Mogadishu, Somalia
+252.611000434
info@shaqodoon.net